Maxamed Bin Salmaan Oo Trump U Sheegay In Sucuudigu Jawaab ka Bixinayo Weeraradii loo Gaystay.

Dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan (MBS) ayaa u sheegay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Boqortooyada “diyaar u tahay, awoodna u leedahay” inay jawaab ka bixiso weerarkii loo gaystay warshadaha saliida sifeeya ee ay leedhay shirkada dawliga ah ee Armenco, weerarkaas oo ay sheegteen inay ka dambeeyeen kooxda Xuutiyiinta Yemen sida ay warisay warbaahinta dowlada Sucuudigu

“Boqortooyada Sucuudigu waxay diyaar u tahay awoodna u leedahay inay ka hor tagto isla markaana la tacaasho falkan iyo falwalba oo argaggixisanimo ah” ayuu Maxamed Bin Salmaan (MBS) u sheegay Trump intii lagu gudajiray xidhiidh dhinaca taleefanka ah oo labadan hogaaniye dhex maray maalintii Sabtidii ayay tidhi wakaaladda wararka Sacuudiga ee (SPA).

Dhinaca kale sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay safaaradda Sacuudiga ee Washington, DC, Madaxwayne Trump ayaa u sheegay MBS in Mareykanka uu diyaar u yahay inuu iskaashi la sameeyo boqortooyada si loo ilaaliyo amnigeeda ka dib weerarada diyaaradaha aan la wadin ku qaadeen ceelasha saliida ee Aramco.

Wadahadalkaas dhinaca taleefanka ah intii uu socday ayaa Madaxwayne Trump wuxuu u sheegay dhaxal-sugaha in uu aad uga xun yahay weerarkaas, dhaawacna uu gaarsiiyay Mareykanka iyo dhaqaalaha adduunka, sida ay sheegtay Wakaalada Saudi Press Agency (SPA)