Meydka Wiil Dhalinyaro Ah Oo Laga Helay Xeebta Jazeera Ee Duleedka Magalada Muqdisho.

Xeebta Jazeera ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa a saaka lagu arkay Meydka Wiil dhalinyaro ah.

Wiilka dhalinyarada ahaa ee Meydkiisa laga helay Xeebta Jaziira ayaa waxaa la sheegay in saacadihii la soo dhaafay la’laa, isla markaana ay qaaday Badda xilli uu ku dabaalanayay, hayeeshee saaka ay soo tuftay.

Allaha u naxariistee Wiilka dhintay ee Badda soo tuftay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Naasir Cabdullahi oo loo yaqaanay Shuute Cadde, waxaana uu ahaa mid kamid ah Dhalinyarada aad u firfircoonaa oo si weyn looga yaqaanay Magaalada Muqdisho

Qaar kamid ah Ehelada Shuute Cadde ayaa tegay Xeebta Jazeera ee duleedka Magaalada Muqdisho, iyagoona halkaas ka soo qaaday qaaday Meydkiisa.

Exit mobile version