Hargeisa(GNN):-Jaamacada Rifty Valley oo kamida Jaamacadaha ugu Tayada iyo Tacliinta fiican Jaamacdaha dalka Somaliland ayaa Maanta Munaasibad Balaadhan u qabatay Ardayda dhammaysatay culuumta kala duwan ee ay bixiso jaamacada rifty valley.
Dufcaddii Afraad ee dhammaysata Jaamacadda rifty Valley qaybteeda Somaliland ee magaalada Hargeysa, oo tiradoodu dhammayd 150 Arday oo bartay Kulliyadaha kala duwan ee ay Jaamacaddu ka koobantay, ayaa maanta Shahaadooyin lagu guddoonsiiyey Munaasibad si wacan loo soo agaasimay oo maanta lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Munaasibadda Qalin-jebinta ah ee loo sameeyey Dufcadda Afraad ee ka qalin-jebisay Jaamacadda Rifty Valley ee magaalada Hargeysa, waxaa ka qaybgalay Wasiirro, Wasiir Ku-xigeenno, Xildhibaanno, Maamulka iyo Macallimiinta Jaamacadda, Waalidiinta Ardayda Qalin-jebisay, Mudan iyo Marti-sharaf kale oo Xafladda lagu maamuusay.
Guddoomiyaha Jaamacadda Rifty Valley qaybteeda Hargeysa Drs. Ifraax Axmed Aadan, ayaa sheegtay inay jaamacaddu ka mid tahay kuwa ugu waawayn eek u yaalla dalka Itoobiya, isla markaana ay leedahay Jaamacaddu 49 qaybood oo kala duwan.
Drs, Ifraax, waxay hambalyo iyo bogaadin u dirtay Ardayda qalin-jebisay, macallimiinta wax soo baray iyo waalidiinta ku soo tabcay, waxaanay ugu ducaysay in Allaah cilmiga ay barteen oo ay sheegtay inay ku kalsoontay ka dhigo kii dadka, dalka iyo nafohoodaba anfaca.
Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo ka warramay muhiimadda waxbarashada, waxaanu sheegay inay masuuliyad culusi saarantay dhalinyarada waxbaratay, loona baahan yahay inay waajibkooda waddaniyadeed gutaan.
Wasiir ku-xigeennnada Wasaaradaha Horumarinta Caafimaadka Liibaan Yuusuf Cismaan, Warfaafinta iyo Dhaqanka Cabdinaasir Cumar Jaamac, Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Taajir, ayaa iyaguna Munaasibaddaa hadallo ka jeediyey, isla markaana hambalyeeyey Ardayda qalinjebisay, maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Rifty Valley, iyagoo la dardaarmay Ardayda.
Qaar ka mid ah Ardayda ka qalin-jebisay Jaamacadda Rifty Valley, ayaa iyaguna dareenkooda cabbiray, isla markaana sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin halka ay soo gaadheen.
Halkan Ka Daawo Nuxurka Warkan Oo Muuqaal Ah.