Saddex Ma Gafeyaashii Liibiya Ahaa Oo Lagu Xidhay Dalka Talyaaniga

Booliska Talyaaniga ayaa xabsiga dhigay sadex ruux oo lagu eedeeyay tahriibinta muhaajiriinta Afrikaanka ah ee doonaya in dalka Liibiya ay uga sii gudbaan Qaarada Yurub.

Muwaadin 27 jir ah oo ka soo jeeda wadanka Guinea iyo laba nin oo da’doodu ay tahay 24 iyo 26 jir ayaa lagu xiray saldhiga booliska Messina ee ku yaal Jasiirada Sicily, kadib markii dad muhaajiriin ah oo ku sugan halkaasi ay eed u soo Jeediyeen.

Marqaatiyaal ayaa booliska talyaaniga u sheegay in sadexdan nin ay xarun dadka lagu hayo ka sameysteen magaalada Zawiya ee dalka Liibiya, iyagoo muhaajiriinta ka dalbanaya lacag madax furasho ah ka hor inta aysan galin safarka qarka iska tuurka ah Talyaaniga.

Wareysiyo laga qaaday dadka muhaajiriinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in sadexda nin ay sidoo kale garaacis ku dileen nin maxbuus u Ahaa.

Liibiya ayaa marin u noqotay muhaajiriinta Afrikaanka ah ee doonaya in ay gaaraan qaarada yurub tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee liibiya Mucamar Al-Qadaafi sanadkii 2011-kii.