Shirkadda Somcable oo Siweyn Uga Dhex Muuqatey Bandhiga Carwada Tiknoolajiyada Somaliland.

Hargeisa(GNN):-Shirkadda Somcable oo Siweyn Uga Dhex Muuqatey Bandhiga Carwada Tiknoolajiyada Somaliland.

Shirkada Somcable Oo kamida Shirkadaha ugu Waaweyn ee Bixiya Dhinaca Internetka ee Dalka somaliland Oo Maanta kamid ahayd Xubnaha ugu Waaweynaa ee ka Qayb qaadanayey Bandhiga Carwada Tiknoolajiyada iyo isgaadhsiinta gayiga somaliland oo markii ugu horeysay lagu qabtay ayaa ka waramay waxa ay bulshada usoo kordhiyeen markii ay shirkadani dalka ka shaqo bilowday iyo Tayadaย  Xawaaraha Internetka ay bixiso.

Maxamed Foosi Oo kamida Masuuliyiinta Shirkada Somcable ayaa Bulshada u Sharaxay Adeegyada Ay Shirkada Somcable Kagaga Qaybqaadanayso Bandhiga Carwada Tiknoolajiyada Somaliland.