Tallaalkii ugu horreeyay ee Malaariyada oo Kenya lagu tijaabinayo

Waxaa dalka Kenya lagu tijaabinaya tallaalkii ugu horreeyay ee Malaariyada, waxaana la filaya in maanta laga bilaabo dalkaas.

Waxaa horey tallaalkan loogu tijaabiyay dalalka Ghana iyo Malawi.

Guud ahaan saddexdan dal, in ka badan 300,000 oo carruur oo ka yar da’da 2 sanno ayaa la filaya in la siiyo tallaalkan sannad kasta.

Tallaalkan lagu magacaabo RTS,S ayaa muddo 30 sanno ah lagu howlana, waxaana lagu tijaabiyay in difaaca jirka uu iska celin karo weerarka caabuqa Malaariyada ee ka dhasha qaniinyada Kaneecada.

Ha’yadda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxay sheegtay in tallaabadan ay horumar balse loo baahan yahay in Malaariyada looga hortaggo Mareeco-Kaneecada iyo dawooyinka lagu buufiyo Kaneecada.

In ka badan 400,000 qof ayaa sannad kasta ay u geeriyodaa Malaariyada, in ka badan dadkaas waa carruur ku nool dalalka Saxaraha ka hooseeye ee Afrika.