Hargeysa (GNN)– Dhismaha Buundo Cusub oo uu dhaqaalaha ku baxaya iyo farsamadiisa uu ku deeqay Ganacsadaha Iska leh Shirkadda Somaliland Hono Group ee Cabdirisaaq Cumaani, ayaa maanta laga dhagax-dhigay Degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.
Hirgelinta dhismaha Buundadan oo wax weyn ka tari doonto Isla markaana Isku xidhaysa Xaafadaha Maxamed Mooge iyo Digaale oo ku taalla cidhifka Koonfur-Bari ee magaalada, ayaa dhagax-dhiggiisa lagu daah-furay munaasibad kulmisay Mada-dhaqameed, Wax-garad, Masuuliyiin ka socday Xisbiyada, haldoorka bulshada ku dhaqan Caasimada iyo xubno ka socda guddiga Guud ee Beelaha Ciidagale, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo lagu tilmaamay muhiimadda Biriishkani u yeelanayo ammaan loogu jeediyey ganacsade Cabdirisaaq Cumaani oo iska leh shirkadda Somaliland Hono Group oo ah shirkadda ugu weyn xagga dhismaha waddooyinka ee dalka ka jirta.
Ugu horeyn, waxa halkaas ka hadlay xubin ka tirsan Guddi gacanta ku haysa Waddada xaafadda Digaale ee degmada Maxamed Mooge, taas oo dhismaheedu marayo wejigeedii saddexaad oo Biriiska Cusub qayb ka yahay. Masuulkani waxa uu sheegay in dhismaha Biriishka hirgelinayso shirkadda uu leeyahay ganacsade Cumaani ee Somaliland Hono Group Wershad Karasharka Samaysa ku leh Xaafadda Maxamed Mooge.
“Waddadu waxay ka maarmi weyday Biriish, maantana Biriishkii ayaanu dhagax-dhigaynaa, hawshaa dhagax-dhiggeeda iyo kharashkeedaba waxa qaba shirkadda weyn ee halkan deggen ee Cumaanigu leeyahay. Dadka kalena sidaas oo kale ayaanu ugu baaqaynaa inay wax bixiyaan,” Sidaas ayuu yidhi masuulka ku hadlayey magaca guddiga gacanta ku haysa dhismaha waddada Xaafadda Digaale oo ku taalla Cidhifka Koonfur-Bari ee magaalada Hargeysa.
“Ugu horeyn, waxaynu halkan uga mahad-celinaynaa Allah (SWT). Marka labaad waxaynu ku ammaanaynaa hawsha culayskaas leh ee ay wadaan guddiga dhismaha waddada. Waa kale oo runtii halkan mahad-naq uga jeedinaynaa Suldaan Cabdirisaaq, guddoomiyaha shirkadda Cumaani oo goobtan aynu taagannahay ballan-qaaday inuu Biriish ka dhisayo, lacagtiisana bixiyey, Illaahay haka abaal-mariyo.
“Waxaanu ugu baaqaynaa Dowladda Hoose ee Hargeysa, maayarka, maayar-ku-xigeenka iyo Xoghayaba, inay yimaaddaan oo ay doorkoodii ka qaataan. Iyagaa magaalada ka madax ah oo og, waxaan filayaa inaanay ka qarsoonayn, waxaan ka codsanaynaa inay isoo dul-taagaan oo eegaan wax-qabadka intaas le’eg.”
Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Keyse oo halkaas ka hadlay, waxa uu Guddiga Horumarinta Jidadka ee Degmada Maxamed Mooge ku ammaanay masuuliyadda ay bulshada u hayaan iyo hirgelinta jidka xaafadda Digaale oo maraya wejigeedii saddexaad, taas oo uu sheegay inuu dhismaheeda kaalin muhiim ah ka geystay ganacsade Cabdirisaaq Cumaani.
Si kastaba ha ahaatee, shirkadda Somaliland Hono Group oo dalka ka hirgelisay dhismayaasha waddooyinka ugu tradaba badan oo qandaraasyadooda ay ku guulaystay isla markaana qaar ka mid ah gacanta ku ahysa wakhtigan, ayaa inta badan tabarucaad ay waddooyin iyo Buundooyin u fidisa bulshada ama deegaannada ay shirkaddu ka fuliso mashaariicaha ay ku guulaysato.
“Haddaanu nahay Somaliland Hono Group mar walba dheef doon uun ma nihine, meel kasta oonu hawl ka wadno ama ka shaqayno, dhinacayaga waaanu bixinnaa wax-qabad bilaash ah oo aanu jeebkayaga lacagta ka bixinno sida Waddooyin iyo Biriishyo,” Sidaas waxa yidhi Ganacsade Cabdirisaaq Cumaani mar uu ka hadlayey wax-qabadka shirkaddisa ee ka qayb-qaadashada Kaabayaasha Dhaqaale ee bulshada.