Amiiro Imaaraadi Ah Oo Booqasho Qarsoodi Ah Ku Jooga Dalka Iiraan

Lataliyaha amaanka Qaranka Imaaraadka Mr Tahnuun Bin Zayed ayaa booqasho qarsoodi ah ku jooga magaalada caasimada ah ee Tehraan, xilli xiisada ka taagan gacanka Khaliijka ay sii xoogeysaneyso.

Mid ka ah saraakiisha sare dhanka Amniga Imaaraadka ayaa qabarkan u xaqiijiyay majalada Middle East Eye ee fadhigeedu yahay magaalada London.

Dhanka kale warkaan maanta lagu daabacay website ka MEE ayaa waxaa ka hadlin safaarada Imaaraadka uu ku leeyahay UK oo ka gaabsatay.

Safarkaan ayaa waxaa qeyb ka ah dhaxal sugaha Imaaraadka Maxamed Bin Zeyed oo ah walaalka ka yar boqorka dalkaas.

Kulanka mas’uuliyiinta sare ee maamulada Imaaraadka ayaa imaanaya kadib weeraro bishii May lagu qaaday afar markab oo waday shidaal oo ka shiraacday dekada Imaaraadka ee Fujairah.

Xukuumada Washington ayaa weeraradaas ku eedeysay ciidanka ilaalada kacaan ka Iiraan.

Bishii hore ayaa maamulka Dubai wuxuu soo dhaweeyay dadaalada ay wadaan hogaamiyeyaasha Yurub si loo dajiyo xiisada ka aloosan gacanka Khaliijka.

Wadamada Faransiiska iyo Jarmalka ayaa ku baaqayay in hab diblumaasiyadeed lagu dhameeyo qilaafka Iiraan kala dhaxeeya wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.