Damaca Guddoomiyaha Kulmiye: Loollan mise laab la kac?

Loollanka Kaahin iyo Xaashi iyo Suurto-galnimada in Madaxweyne Biixi wareejiyo Guddoomiyaha Kulmiye

Maxamuud Xaashi iyo Maxamed oo bilaabay “Waa markaygii” Gudd. Kulmiye

Hargeysa(GNA)-Loollanka salka ku haya guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE ee u dhexeeya Wasiirka arrimahah gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa qabsaday baraha bulshada maalmihii u dambeeyey.

Loollankan oo aan si rasmi ah weli banaanka ugu soo bixin, ayaa waxa uu ku saabsanyahay siyaasiga noqon doona guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, marka uu Madaxweyne Biixi wareejiyo, waxaana baraha bulshada gaar ahaan facebook qabsaday dhallinyaro kala taabacsan labadan siyaasi ee isku beesha ka soo jeeda oo baahiyey sawirro ay ku muujinayaan damaca labada siyaasi.

Dhallinyarada taageersan siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa baraha bulshada soo dhigay hadalo koob-kooban oo ku jiray khudbado uu hore u jeediyay Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, iyagoo raaciyay sawiradiisa oo kala duwan iyo qoraalo ay ku sheegayaan in Maxamuud Xaashi lagu wareejin doono guddoomiyenimada xisbiga.

Dhallinyaro kale oo taageersan Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa iyaguna bilaabay inay u jawaabaan taageerayaasha Maxamuud Xaashi, waxaana baraha bulshada mar keliya qabsaday sawir ay ka muuqdaan Madaxweyne Biixi oo kursi ku fadhiya oo ay wada hadlayaan Wasiir Maxamed Kaahin oo dul taagan. Taageerayaashan ayaa ku doodaya in Madaxweynuhu kursiga KULMIYE ku wareejin doono saaxiibkii Wasiir Maxamed Kaahin.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in dhallinyaradan ay soo kiciyeen bidhaano uga yimid labadan siyaasi oo muujinaya inay soo dhowdahay wakhtiga uu Madaxweyne Biixi wareejinayo guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE.

Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa xalay cawayskii barta uu ku leeyahay Facebook, wuxuu ku baahiyay qoraal ku qoran luuqadda Carabiga oo uu ugu mahadceliyay dhallinyarada taageersan, waxaanu yidhi “Caways wanaagsan dhammaan dhallinyarada u heelan dalkeena Somaliland, gaar ahaan kuwa baraha bulshada ee ii muujiyay kalsooni iyo niyad wanaag.”

Wasiir Maxamed Kaahin, isaga lagama hayo wax jawaab ama falcelin ah oo la xidhiidha ololaha ka socda baraha bulshada ee u dhexeeya isaga iyo Maxamuud Xaashi.
Si kastaba ha ahaatee, arrimahan ayaa ku soo beegmaya iyadoo 6 bilood oo qudha ka hadhsan tahay wakhtiga loo muddeeyey qabsoomida Shirweynaha Xisbiga Kulmiye, kaasoo lagu dooran doono hogaanka xisbiga, guddida fulinta iyo Golaha dhexe.
Dad badan ayaa isweydiinaya in hirdanka hoose ee bilowga ah uu yahay laab-la-kac ee aanay naaso-caddeyn suurto-galnimada in Madaxweyne Biixi wareejinayo Kursiga guddoomiyaha xisbiga inta ka hadhay Shirweynaha oo ay sidoo kale kaabiga isku-hayaan Doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada.

Waxaase iyadoo arrintaasi ay tahay gacan uur ku jirta khubarada siyaasadda qaarkood ku dooddayaan in marka la eego duruufaha iyo caqabadaha siyaasiga ah ee ku gedaaman xukuumadda Madaxweyne Biixi, ay la gudboontahay in uu furfuro siyaasadda xisbiga, isla markaana hogaaminta xisbiga uu ku wareejiyo shakhsi ku guntan kara in aan waxba iska bedelin taageerada xisbiga, una noqda garbo-saar uu iskaga gudbo dabeylaha siyaasaddeed ee kursiga ku raxay Madaxweynaha.

Ugu dambeyn, in madaxweyne Biixi ku wareejiyo kursiga Guddoomiyaha Xisbiga waxa ay dani ugu jirtaa mustaqbalka siyaasaddeed ee Kulmiye, hase ahaatee xulashada qofka uu u banaynayo ayaa iyaduna ah arrin ka baaraan-deg badan uga baahan isaga iyo la-taliyeyaashiisa gaarka ah.

Xigasho: Gobanimonews iyo Geeska Afrika

Exit mobile version