Dhacdooyinka Mar La Araga Ah ee Ku Duugnaa Qalinjabintii Maanta Jaamacada Admas.

Hargeisa(GNN):-Jaamacada admas oo kamida jaamacadaha Somaliland bixiya aqoonta Oo Ay maanta Ka qalinjabiyeen Arday Tiradoodu gaadhayso 606 arday oo bartay culuunta kala duwan ee ay bixiso jaamacadu.

Waxaana Dhacdada soo jiidataday Bulshadii Ku Sugnayd Madasha iyo Waalidkii ka qayb galayba ahayd kadib markii maanta ay ha mar Wada Qalin jabiyeen Lix Arday oo walaalo Ah Oo Sida sawirka idiinka muuqata uu dhex taagan yahay Aabihii dhalay.

Sidoo kale Waxyaabaha Mucjisadaha ah ayaa Ahaa

Roob Munaasibadii Qalinjabinta Qurxiyey.
Kulliyada HEALTH OFFICERS La Dhaariyey inay sirta bukaanka ilaaliyaan
Arday Qaxoonti ku ah Somaliland oo qalijabiyey oo ka yimid dalal dibada ah.
Waaxda Imigrationka iyo Dab-damiska oo bilado la siiyey.