Garoowe Rabshado iyo Mudarahaado Sababay Daawaca Dad Rayid Oo Ka Dhacay Maanta.

Garoowe(GNN):-Wararka aan ka heleyno Magaalada Garoowe ee Caasimadda Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in Qaar kamid ah Shacabka ku nool Magaaladaas ay  Maanta dhigeen banaanbax cabasho ah.

Dadka banaanbaxaya ayaa waxaa ay ka careysan yihiin dil xalay askari ka tirsan Ciidamada Puntland uu Magaalada Garoowe ugu geystay qof Shacab ah, iyaga oo dalbadanaya in cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyey.

Magaalada garoowe ayaa lagu arkayaa dad careysan oo gubaya taayiro, kuna gubaya albaabka hore ee xarunta Booliska Puntland.

Sidoo kale ka qeyb galayaasha banaanbaxa ayaa waxaa dalbadeen in cadaaladda la horkeeno ciidamadii ka dambeeyey dilkaasi, iyagoona ku doodaya inaan la aasi doonin ilaa iyo la soo qabto askarigii ka dambeeyay dilkaasi.

Waxaa Wadooyinka lagu Arkayey dad dhaawacyo ah oo ay sahayatay rasaastii habowga ahayd ee ciidamadu ku kala dareerinayeen.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha booliska maamulka Puntland ee magaalada Garowe.