Hindiya Oo Qaadaysa Qayb Ka Mid Ah Gadoominta Ay Ku Hayso Kaashmiir

Waxaa la filayaa in dib uu u soo laabto adeegii isgaarsiinta gaar ahaan taleefanada gacanta lagu qaato ee loo yaqaal Mobile-ka, sida ay shaacisay dowlada Hindiya kadib xayiraad inkabadan laba bilood saaran gobolka Kashmiir.

Afhayeenka dowlada Rohit Kansal ayaa sheegaya in xukuumada Delhi ay qaadatay go,aankan kadib dib u eegis lagu sameeyay xaalada amni ee gobolka Himalayan.

Dhamaan taleefanada gacanta iyo kuwa guryaha ayaa si caadi ah u shaqeyn doona maalinta Isniinta ah ayuu yiri kadib shir Jaraa,id oo uu ku qabtay magaalada Delhi.

Go,aanka Hindiya ayaa yimid kadib maalintii shalay dibadbax ka dhac magaalada Kashmiir ee dhanka Pakistan oo goob joog uu ka ahaa Ra’isul wasaaraha Pakistan Imraan Khan.

Hogaamiyaha xukuumada Islamabad ayaa sheegay in dhiggiisa Hindiya Narendra Modi uu qalad weyn galay markii uu xayiraada saaray gobolka Kashmiir ee dhanka Hindiya oo ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan Dalkaas.

Exit mobile version