Kim Jong-un oo Faras ku fuulay buurta ugu dheer dalkiisa

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa la arkay isaga oo saaran Faras isla markaasna fuulayo buurta ugu dheer dalkaas, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.

Sawirro dhowr ah oo ay baahisay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa muujinaya isaga oo saaran Faras cad xilli uu korayay buurta uu barafka qariyay ee Paektu.

.

Ma aha markii ugu horreysay oo la arko Kim Jong-un oo fuulayo buurtaas dheereerkeedu uu gaarayo 2,750 Miitar balse dadka falanqeeyo siyaasadda gobolka waxay sheegayaan in tallaabadan ay astaan u tahay waxyaabaha la filayo inuu shaaca ka qaado.

Buurtan ayaa si weyn looga qaddariyaa Kuuriyada Waqooyi, waxaana la sheegaa inay tahay goobtii uu ka dhashay aabihii dhalay Kim Jong-un.

“In la arko isaga oo saaran Faras oo korayp buurta Paektu waa munaasabad weyn oo muujineyso taarikhda kacdoonka Kuuriya” waxaa hadalkaas baahisay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee KCNA.

.

Buurtan Paektu waxaa ka dhashaa Folkaano, waxaana la sheegay inuu ku dhashay Dangun oo ah ninkii ugu horreeyay ee aasaaso boqortooyada Kuuriya in ka badan 4,000 sanno ka hor.

Buurta ayaa boqolaal Kiiloomitar u jirtaa caasimadda Pyongyang, waxayna ku taal xadka Kuuriyada Waqooyi iyo Shiinaha.

XIGASHO BBC