Madaxwayne Biixi Oo Cafis Sharuud ku Xidhan Tahay U Fidiyay Kornayl Caare.

Madaxweynaha Somaliland ayaa cafiyay dhammaan ciidamada la socda Kornayl Siciid Cawil Caarre, oo muddo ka soo horjeeday Somaliland.

Sidoo kale Caarre, ayaa lagu xidhay isaga shuruud ah in uu soo dalbado Cafis madaxweyne.

Madaxweynaha Somaliland iyo madaxda dhaqanka Beesha uu ka soo jeedo Caarre, ayaa maanta kulan ku yeeshay guriga madaxweyne Biixi, oo Heshiiskaasi gaadhay.