Madaxwayne Cagjar Oo ka Hadlay Xasuuqii Zoobe Ee 14-ka OCtober.

Madaxweyanaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar Cagjar ayaa waxaa uu ka hadlay Qaraxii 14-ka Oktoobar ee Maanta oo kale ka dhacay Isgoyka Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Mdaxweyne Mustafa Cagjer ayaa waxaa uu sheegay in Maalinta 14-ka Oktoobar ay Murugo iyo tiiranyo u leedahay Ummadda Soomaaliya,isla maraana tahay Maalin aanan ka go’idoonin quluubta dadka Soomaaliyeed,kadib markii Muqdisho uu ka dhacay sanadkii 2017-dii qaraxii ugu weynaa ee abid ka dhaca Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyanaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa tacsi u diray dhamaan umadda Soamaaliyeed iyo eheladii dhamaan dadkii ku shahiiday Qaraxii Musiibada ahaa ee Maanta oo kale ka dhacay Isgoyska 14-ka OCTOBAR EX-Zoope ee Muqdisho.

Hoos ka Akhriso War qoraal ah uu Mustafe Mustafa Muxumad Cumar Cagjar soo dhigay bartiisa Facebook.

14-Octobar (XUSUUS QARAN ) waxay ahayd Maalin Murugo iyo tiiranyo u leh umadda soomaliyed dhamaanteed, waa Maalin aanan ka go’idoonin quluubta dadka Soomaaliyeed wa maalintii hal goob ku dhinteen Boqolaal qof oo Soomaali ah Boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen, ka dib qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ka dhacay isgoyska EX-zoope 14-ka OCTOBAR

Xukuumadda deegaanka Somalida, Waxay tiiraanyada laqayb-sanaysaa dhamaan umadda somaliyed iyo eheladii dhamaan dadkii ku shahiiday halkaas, waxaan alle uga baryaynaa in janadiisa firdawsal-aclaa kumanaysto, intii xanuun ka soo gaarayna allaha uboga-dhayo.