Madaxweynaha Somaliland Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Shacbiga Jabuuti Iyo Madaxweynaha dalkaasi

TACSI MADAXWEYNE

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Somaliland Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Shacbiga Jabuuti Iyo Madaxweynaha dalkaasi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Jabuuti, ee uu ka baxay alle ha u naxariistee Marxuum Sacad Cumar Geelle oo ahaa maamulaha dekeda Jabuuti kuna geeriyooday maanta dalka Faransiiska. Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo marxuumku ahaa walaalkii.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo qoyska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Jabuuti, ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Aamiin Aamiin Aamiin

 

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.