Dad aad u tira badan ayaa isugu soo baxay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa oo martigelineysa markii ugu horreysay ciida Oromoada ee sanadlaha ah ee “Mahad Naqa Eebe.” Oromada waa qowmiyadda ugu weyn dalka Itoobiya.
Ciiddan oo la yaqaanno Irreecha ayaa waxaa qeyb ka ah jaritaanka cows iyo ubaxyo qoyan oo lagu daadiya biyaha taas oo ka dhigan inay “Ilaah ugu mahadcelinayaan xilli roobaadka iyo billowga Gu’ga”.
Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay iyadoo malaayiin qof ay buux dhaafiyeen waddooyinka caasimadda Addis Ababa iyo fagaaraha caanka ah ee Meskel Square
Waxay qaadayeen heeso dhaqameed, iyagoo ruxayay callanka Itoobiya iyo caleemo qoyan.
Mas’uuliyiinta magaalada ayaa sheegay inay filayeen 10 milyan oo qof inay isku soo baxaan.
Wakhtiyadii hore, dabbaaldegga noocan ah wuxuu ka dhici jiray Bishoftu, oo 40km u jirta Addis Ababa.
In dabbaaldeggan loo soo wareejiyay caasimadda oo daris la ah gobolka Oromada ayaa waxay dad badan u arkaan inay tahay aqoonsi ay dowladdu aqoonsatay dhaqankan. Sanado badan ayay Oromada ka sheeganeysay gacan bidixeyn dhinaca dhaqanka iyo siyaasadda ah.
Waxaa la aaminsan yahay qowmiyadda oromoada ay gaarayaan 40 milyan oo qof, taasoo u dhiganta 30% tirada shacabka Itoobiya.
Ciiddan ayaa u ah fursad ay dadka Oromada ah ku xirtaan dhar dhaqameedka.
Ninkan oo ka yimid gobolka Shoa wuxuu xiran yahay dhar laga sameeyay maqaarka daanyeerka.
kuushan ay dumarkan wajiyada ku xirteen ayaa labid ay caan ku yihiin dumarka Oromada.
Labadan nin waxay ka so safreen magaalada Bale ee koonfurta dalka oo caasimadda u jirta 400km si ay ciidda uga qeyb qaataan. Duubka madaxa ugu xiran waxaa la xirtaa marka ay jiraan xafladaha dabbaaldegga dhaqammada Oromada.
Haweeneydan waxay ka soo safartay gobolka Hararghe, ee bariga Itoobiya. Dharkan ay ku labbisan tahay ayaa gobolkaasi aad looga isticmaalaa.
Bulshooyin kale oo aan oromo ahayn ayaa sidoo kale dabaaldeggan ka qeyb qaatay.
Ra”iisal wasaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu laftirkiisa ka soo jeedaa qowmiyadda Oromada.
isbadello ballaaran ayuu dalka ka hirgaliyay tan iyo markii uu xukunka la wareegay.
Inkastoo dabbaaldaggan loo soo wareejiyay caasimadda markii ugu horreysay, haddana xukumadda waxay wali la daala dhaceysaa loolan adag oo u dhexeeya qowmiyadaha dalkaasi.
XIGASHO BBC