Nimcooyinka Alle Fatahaadda Webiga Jubba oo Khasaare Geystay.

Muqdisho(GNN):-Labadii todobaad ee ugu dambeysay waxaa soo fatahay webiga Jubba kaas oo mara deegaanno ka mid ah Gedo iyo Labada Jubba.

Fatahaadda darteed qoysas badan ayaa ka barakacay gurihii ay deganaayeen.  waxaana baa’abay dhamaan dalagyadii  ka baxayey beeraha waraabka ah ee deegaannadaasi.

Degmooyinka ugu daran ee fatahaaddu saameysay waxaa ka mid ah: Luuq, Buur-dhuubo iyo Baardheere oo Gedo ah iyo Jubbada dhexe oo Saakow, Bu’aale iyo Jilib laga dayrinayo halka Jubbada hoose ayaa dhibaatooyin ka jiraan Jammaame, Kamsuuma, Baarsanguuni iyo Goobweyn.

Ilaa hadda dowladda federaalka ah kama hadlin dhibaatada ka jirto deegaanadaas, waxaa ayna dadkaasi codsanayaan in laga soo gaaro.

Dhinaca Kale Xildhibaanada Golaha Shacab Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kalafadhiga lixaad kulankii afaraad,kaasi oo uu shirguddoominayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha mudane Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudeey.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa kulankooda maanta waxay kaga hadleen fatahaadda uu wabiga shabeelle ka sameeyay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan iyo sidoo kale daadad ka dhashay roobab ka da’ay gobolka Baay,kaasi oo sababay in dad shacab ah ka barakacaan deegaano ka tirsan degmada Bardaalle ee Gobolka Baay.

Xildhibaan Farxiya Muumin Cali ayaa mudanayaasha ka hor sheegtay dhibaatooyinka dadka shacab ah ka soo gaaray Fatahaadda iyo daadadka ka dhashay roobabka ka da’ay qeybo ka mid ah gobolka Baay,waxayna ku baaqday in si deg deg ah dadkaasi loogu gurmado.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa sheegay in golaha shacabka ay mas’uuliyad gaar ah ka saran tahay in dadkaas loo gurmado.

Dhinaca kale, Xildhibaan Nuur Siidow Baaba ayaa golaha horgeeyay warbixin ku saabsan xaaladaha deegaan doorashadiisa oo ah degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose.

Ugu dambeyn,Guddoomiayaha Guddiga Maaliyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee gobolka shacabka xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji ayaa golaha u faah faahiyay akhrinta 2-aad ee wax ka bedelka sharciga furdooyinka oo uu guddiga wax ka bedel ku sameeyay.

Xildhibaanada golaha shacabka qaar ka mid ah ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay wax ka bedelka sharcigan lagu sameeyay,waxaana guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha shacabka mudane Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudeey oo kulanka soo xiray uu u mahad celiyay xildhibaanada aragtiyadooda oo uu sheegay in guddiga looga baahan yahay inay tixgeliyaan fikradaha xilhibaanadda.