Sacuudiga Iyo Imaaraadka Oo Canbaareeyey Weerarka Turkigu Ku Qaaday Suuriya

Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka carabta ayaa si kulul u canbaareeyay weerarka milatatiga Turkiga ay ku qaadeen gobolka Idlib ee dhaca waqooyiga Suuriya.

War saxaafadeed ka soo baxay wasaarada arimaha dibada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in weerarka Turkiga uu xadgudub ki yahay madax banaanid dalkan Carbeed.

Sacuudiga ayaa dhanka kale sheegay in duulaankan uu dib u dhac ku yahay hormarka iyo dadaalada loogu jiro dhanka Nabada.

Wasaarada arimaha dibada Imaaraadka ayaa dhanka kale canbaareysay howlgalka milatari ee Turkiga oo ay ku tilmaantay mid kala qeybinaya shacabka Suuriya.