Safiirka Maraykanka Ee Kenya Oo Beeniyay Inuu la Kulmay Farmaajo.

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa baahiyay wareysi uu ka qaaday Safiirka Mareykanka u jooga dalka Kenya Kayle McCarter, safiirka ayaana Wareysiga ku sheegay in uu tagay Muqdisho uuna kulan la qaatay Madaxweyne Farmaajo.

Dowlada Soomaaliya ayaa beenisay Warkan lagu sheegay in Kyle McCarter oo booqasho ku tagay magaalada Muqdisho uu la kulmay Madaxweyne Farmaajo uuna kala hadlay muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraal uu Bartiisa Twitter-ka soo dhigay Kyle McCarter ayuu ku beeniyay in magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna sheegay safiirka in uu la kulmay kaliya qaar kamid ah lataliyaasha Madaxweynaha.

Kyle McCarter ayaa sidoo kale beeniyay in masuuliyiinta uu la kulmay uusan ku dhihin kahara kiiska badda ee Maxkamada taala balse uu weediiyay aragtidooda ku aadan in Mareykanka fududeeyo wadahadalo labada dal ka yeeshaan kiiska badda.

Hadalkan cusub ee kasoo yeeray Safiirka Mareykanka u jooga Kenya , ayaa kusoo aadaya xili dowlada federaalka ka carootay warka ku aadan in Safiirka Mareykanka la kulmay Madaxweyne Farmaajo uuna cadaadis ku saaray in wadahadal lagu dhameeyo kiiska badda.