Tacsi Maayer:10/10/2019 Inaalilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajacuun

Tacsi Maayer:10/10/2019 Inaalilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajacuun.

Duqa Degmada Gabiley Waxa Uu Dhambaal Tacsi Ah U Dirayaa Shaqaale-weynaha Dawlada Hoose Oo Uu Ka Baxey Agaasime Axmed Aw Maxamuud.

Gudoomiyaha golaha degaanka Degmada Gabiley ahna Duqa Degmada ayaa Isagoo ku hadlaya afka Gole-weynaha iyo ka Maayernimoba waxa uu ka Tacsiyadeynayaa Dhamaan Shaqaalaha Dawlada Hoose, Ehelka, Qaraabada iyo guud ahaan Qaranka Somaliland Ee uu ka baxey Marxuum: Axmed Aw Maxamuud oo ahaa Agaasimihii Maamulka iyo Maaliyada Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley.

Gudoomiyaha oo ka turjumaya dareenka gaar ahaaneed Ee ay Geeridani ku leedahay Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley, Maadaama uu maanta ka wafaadey dayax ka mid ah Hal-doorka, Odeyaasha, Aqoonyahan iyo bidhiiqyada ay Dawlada Hoose Ee Gabiley ku taagnayd, Kana soo qayb qaatey dib-u-dhiskeedii iyo Maamul daadajinteediiba.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu Ilaahey uga baryey Marxuumka inuu ku casuumo naxariistiisa iyo Janooyinka waasica ah, Marxuumku waxa uu ahaa Khabiiradii Dawladaha Hoose Ee dalka Isla markaana ahaa mishiinadii ugu mudnaa uguna wax-tarka badnaa , Raxmaanku raali ha ka noqdee in badan ayuu umadiisa u soo adeegay Marxuum: Axmed.

Kulu Nafsul-daa’iqatul Mawt naf walba maalin ayey dhadhaminaysaa ka galbadka Aduunka, Mawluhu ha dhigo marti la jecel yahay oo su’aasha loo dhib yareeyo, Allaahu-ma-Aamiin Allaahu-ma-Aamiin Allaahu-ma-Aamiin.

Allaa Mahad leh.

Warbaahinta Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley.

Exit mobile version