Tirada Dadka Loo Xidh-xidhay Rabshadihii Ka Dhacay Dalka Ethiopia oo Gaadhaya 359 Qof.

Booliska deegaanka Oromada ayaa sheegay rabshadihi toddobaadki hore ka dhacay dalka Itoobiya oo ay dada badan ku dhinteen dadki ku lug lahaa oo gaaraya 359 qof in xabsiga loo taxaabay.

Taliyaha Booliska Oromada Jeneraal Kafyalew Teferra oo BBC u warramay wuxuu sheegay xaaladda deegaanka Oromada oo ay rabshadaha ugu badan ee dalka Itoobiya ay ka dhaceen inuu hadda xasiloon yahay.

Tirada rasmiga ah ee dadka rabshadaha ku dhintayna sida ay boolisku xaqiijiyeen waa 67 qof, Axadda wixi ka dambeeyeyna wax rashado ah ma dhicin ayuu yiri.

Wuxuuna Jeneral Tafari uu sheegay inta ay rabshaduhu socdeen in kaniisado iyo masaajidba dhibaata loo geystay oo qaarkood la gubay.

Taliyaha Booliska wuxuu intaasi ku daray 80% (54 qof) dadka rabshadahaasi ku dhintay ay ahaayeen kuwa ku dhintay gacan qaad ka dhex dhacay kooxa iska soo horjeeda oo mudaharaadyo dhigayey.

Hase yeeshee, rabshadaha si siyaasadeysan ku billawday marki dambana qaab diimeed iisu beddelay lama dhihi karo “koox hebla waxaa saa gaaray iyo koox hebla intaasa ka dhimatay, balse rabshaduhu markay diin iisu beddeleen labada diimood ee Kirishtanka iyo Muslimkaba ay dad ka dhinteen” ayuu yiri.

Ilaa iyo hadda xogta aan haynana magaalada Adaama waxaa lagu gubay hal masaajid, laba kaniisadood oo meel ka baxsan magaalada ku yaallana waa la gubay ayuu yiri.

Taliyaha oo ka hadlayey rabshadaha dhawaan ka dhacay qayb ka mid ah ee deegaanka Oromada inuu booliska uu ka gaabiyey inuu wax ka qabto iyada oo sida oo kalana lagu eedeeyo rabshadaha iney dhexdhexaad ka ahaayeen wuxuu yiri: “Booliska deegaanka Oromada si uu rabshadaha uu uga hortago ilaa iyo naf ayuu u huray” isaga oo tilmaamay dadaalka ay booliska u galeen xakameynta rabshadahaasi.

Hase yeeshaee, dadka mudaharaadyada isugu soo baxay oo aad u badnaa meelaha qaar waxay ka awood bateen askarti rabshadaha iney ka hortagaan loo howl geliyey ayuu yiri.

Rabshadaha dadka ku dhintay

Wakaaladda wararka Reuters oo soo xigatay Taliyaha Booliska degaanka Oromada ayaa sheegay dadka rabshadaha dalka Itoobiya ku dhintay inay tiradoodu gaadhay 67.

Taliyaha booliska Oromada Kafyalew Tefera wuxuu sheegay goobaha ay rabshadaha ka dhaceen ee ku yaalla deegaanka Oromada iyo magaalooyinka Diridhaba iyo Harar waxaa ku dhintay 62 qof oo rayad ah iyo 5 askari o boolis ah.

Wargeyska New York Times wuxuu qoray dadkaasi dhintay 13 ka mid ah iney ciidamada ammaanku dileen halka dadka kale ee rabshadahaasi ku dhintay ay sababeen rabshada dhex maray mudaharaadayaal iska soo horjeeda.

Adaama

Dr Dasalegn Fiqaadu waa dhakhtar takhasuskiisu yahay qalliinka oo ka howlgala Isbitaalka Adaama. Wuxuuna sheegay maalinti Arbacada oo ay rabshaduhu billaawdeen ilaa iyo maanta in isbitaalka la soo gaarsiiyey dad dhaawac ahaa oo marki dambe geeriyooday iyo dadka iyaga oo meyd ah la keenayba tiradooda ay gaadhay 16 qof, dad ka badan 100 qof oo dhaawacyo kala duwan ay rabshadaha ka soo gaareenna isbitaalka lagu daweeyey.

“Rabshadihi ka taagnaa magaalada Adama oo la moodo iney maanta soo yaraanayaan haddana waxaa weli isbitaalka soo gaaraya dad dhaawacyo cusub qaba” ayuu yiri Dr Fiqaadu.

Kofale

Abinet Aklilu oo ku nool magaalada Kofale wuxu BBC u shegay inuu rabshadaha ku waayey 3 qof oo ay qaraaba yihiin.

“Dhalinyaro badan oo isa soo uruursatay ayaa guriga adeerkey nagu soo werartay marka hore waxay dileen aderkey Tamraat Tsegaye, kaddibna waxay dileen wiilkiisa, mar seddexaadna waxay dileen wiil seddexaad oo adeerkey dukaankiisa iibinayey sidaa ayey 3 qof nooga dileen” ayuu yiri.

“Dadka nalaga dilay magaalada Kofale oo ay ku dhasheen xataa inaan ku aasno waa naloo diiday, ugu dambeynti rafaad badan kaddib waxaan seddexdooduba ku aasnay magaalada Adaama” ayuu yiri Abinet oo BBC u warramay.

Ambo

Waddooyinki xirnaa Arbacada iyo Khamiista waxaa dib loo furay Jimcihi shalay ahaa. Rabshadaha labada maalmood magaladaasi ka dhacayna waxa 5 qof oo mid ka mid ah yahay askari boolis ah. Askariga oo maalinta Khamiista la dalay waxaa loo dilay aanoiyada oo lagu eedeeyey arbacadi inuu qof dilay.

Doddoola

Magaalada Doddoola rabshadihi ka dhacayey Arbacada iyo Khamiista waxaa ku dhinatay 6 qof.

Bariga Hararge

Sida oo kale rabshadihi ka dhacayey bariga Hararge magaalooyin ka tirsan waxaa rabshadaha ku dhimatay 6 qof oo kale. Magaalooyinkaasi oo ay ka mid yihiin Deresa, Guro-guutu iyo Hamaresa.

Harar

Magaalada Hararna waxaa rabshadaha ku dhimatay 3 qof.

Diridhaba

Agaasimaha Isbitaalka Dil-chorra ee magaalada Diridhaba Dr C/raxmaan Abubakar wuxuu sheegay: “Magaalada Diridhaba Arbacadi in lagu dilay 1 qof, 4 qof oo dhaawac ahaan isbitaalka magaalada diridhaba loo keenay in lagu dabiibana ay dhaawaca u geeriyoodeen taasoo tirada dadka dhintay ka dhigeyso 4 qof”.

Roobe

Magaalada madaxada gobolka Bale ee Roobe oo ay rabshaa badan ka dhaceen tirada rasmiga ah ee dadka rabshadahaasi ku dhintay BBC ma aysan helin balse waxaa la shegayaa iney dhimasho iyo dhaawacba jirto.

Rabshadahan maxaa dhaliyey?

Dibad baxayaal.

Jawar Maxammed ayaa sheegay in dowladda ay ka ceshatay ciidamadii ilaalinayay gurigiisa oo ku yaalla caasimada,balse waxaa arrintasi beeniyay saraakiisha dalkaasi.

Arrintan ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo ka dhacay afaafka hore ee guriga uu deggan yahay iyo qeybo kale oo dalka Itoobiya ka tirsan.

Inkastoo rai’sul wasaare Abiy lagu ammaanay isbadallada uu dalkaasi ka hirgaaliyay ayaa hadana waxaa uu la daalaa dhacayaa xal u helidda isku dhacyo u dhaxeeya qoomiyadaha kala duwan ee dalkaasi.

Booliiska Itoobiya ayaa waxay beeniyeen in Jawar lagala noqday ciidamadii ilaalinayay,balse hadalka ka soo yeeray Mr Jawar ayaa waxa uu jahwaareer ku abuuray dowladda.

Caasimadda Addis Ababa, ayaa taageerayaashiisa waxay balaanqaadeen in iyaga ay ammaankiisa sugayaan, waxaana la maqlayay dibadbaxayaasha oo ku dhawaaqayay ” Abiy ha dhaaco.”

Gubidda buugga rai’sul wasaaraha ayaa ka dhacday magaalada Dadar.

Nuqulada buugga Mr Abiy ee lagu magacaabo, Medemer, oo la daabacay Sabtidii ayaa laga qaybiyay dalkaasi.

Buugga ayaa waxa qoraaladiisa diiradda lagu saaray fikirada siyaasadda rai’sul wasaaraha iyo sidoo kale halka uu higsanayo in uu Itoobiya garsiiyo.

Jawar Maxamed

Taageerada ballaaran ee Mr Jawar

Mr Jawar ayaa warbaahintiisa, Oromo Media Network (OMN), u isticmaalay dibadbaxyadii dowladda looga soo horjeeday 2016 ilaa 2018,xilligaasi oo uu dalka rai’sul wasaare ka ahaa Hailemariam Desalegn.

Waqtigaasi ayaa warbaahinta OMN waxay heshay taageerayaal badan oo ay ka mid yihiin kuwa qoomiyada Oramada oo ah kuwa ugu tirada badan ee dalka Itoobiya oo iyagu dareemayay in dhaqaala ahaan iyo siyaasad ahaanba la gacan bidxeeyay.

Xilligaasi saxafigan reer Itoobiya ayaa ku sugnaa Mareykanka oo uu haysto dhalashadiisa.

Balse Itoobiya ayuu dib ugu soo laabtay ka dib markii Mr Abiy uu awoodda la wareegay bishii April ee sanadkii aanu soo dhaafnay halkaasi oo uu isbadalo ka bilaabay.

Source BBC.

Exit mobile version