Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isu soo bax uu ku qabtay magaalada Minneapolis ka sheegay in uu dadaal u gali doono sidii aad loogu xakameyn lahaa qaxootiga somalida ee dib u dajinta laga siinayo gobolka Minnesota.
Gobolka Minnesota ayaa waxa uu hoy u yahay tirada qaxootiga ugu badan ee Soomaalida ah ee ku nool Mareykanka.
Waxa uu sheegay in tan iyo intii uu xukunka qabtay uu hoos u dhigay qaxootigii dib u dajinta laga siinayay guud ahaan Mareykanka.
“Tan iyo intii aan xafiiska imid waxaan dhimay qaxootiga 85% ” ,ayuu yiri Mr Trump.
Waxa uu khubda ka jeedinayya isu soo bax lagu qabtay Target Center.
“Sanooyiin badan hogaamiyayasha Washington ayaa waxay gobolkiina keeneen gobolkiina qaxooti badan iyada oo aan la eegin saamayn ka dhalan karta ee dhanka iskuulada bulshada iyo canshuur bixiyayaasha ” ,ayuu yiri madaxwayne Trump.
“Waxaan idin ballanqaadayaa ka madaxwayne ahaan in bulshada aan siiyo fursad ay go’aan ugu yeelan karaan siyaasadaha qaxootiga iyo in la dajiyo qorsha sare loogu qaadayo turxaan bixin la smaeeyo iyo xakameynta muhaajiriinta”ayuu intaa ku daray.
Xigasho Bbc