Trump Oo Ku Hanjabay In Uu Burburinayo Dhaqaalaha Dalka Turkiga

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in uu burburin doono dhaqaalaha Turkiga hadii xukuumada Ankara ay xadgudub ka geysato gudaha Suuriya.

Trump ayaa digniintan layaabka ah soo saaray saacado kadib markii uu ku dhawaaqay go,aanka milatariga Mareykanka ay uga soo baxayaan deegaanada ay kaga sugan yihiin wadanka Suuriya ee u dhow xadka Turkiga.

 

Donald J. Trump

@realDonaldTrump

As I have stated strongly before, and just to reiterate, if Turkey does anything that I, in my great and unmatched wisdom, consider to be off limits, I will totally destroy and obliterate the Economy of Turkey (I’ve done before!). They must, with Europe and others, watch over…

158K people are talking about this

Xukuumada Ankara ayaa sheegtay in ay weerari doonto dagaalyahanada kurdida iyo maleeshiyaadka kale ee ku sugan gobolka Idlib.

Hanjabaada Trump uu ku soo qoray bogga uu ku leeyahay Twitter-ka ayaa u muuqata mid uu kaga jawaabayo dhaleeceyn kaga timid xubno ka tirsan xisbigiisa Jamhuuriga iyo kuwa Dimuquraadiga oo la xiriirta In uu qiyaamay dagaalyahanada Kurdida oo mudo fog ay Isbaheysi wada Ahaayeen.

Hadii Turkiga uu qaado weerar ka dhan ah Kurdida aniga oo adeegsanaya xigmadeyda waxaan gabi ahaanba burburin doonaa dhaqaala Turkiga horay ayaana u sameeyay hada ka hor ayuu Yiri.