Turkiga Oo Billaabaya Howl-Galka Syria Kadib Bixitaanka Mareykanka + [ Sababta ]

Ankara (GNN):- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta sheegay in ciidamadiisa ay diyaar u yihiin inay daqiiqad kasta billaabaaan howl-gal ka dhan mintidiinta Kurdish-ka ee dalka Syria kadib markii dowladda Mareykanka ay sheegtay inaysan is-hortaagi doonin.

“Waxaa jirta oraah aan mar kasta dhahno: waxaan iman karnaa habeenkii aan doonno innaga oo aan ogeysiin bixin” ayuu Erdogan u sheegay weriyayaasha.

“Waa wax aanay su’aal ka taagneyn inaan usii dulqaadanno halista nooga imaneysa kooxaha argagixisada.” Ayuu yiri Erdogan isaga oo tixraacaya mintdiinta Kurdish-ka.

Aqalka Cad ayaa axaddii sheegay in Turkiga “ay dhowaan ku dhaqaaqi doonaan howl-galka muddada la qorsheynayey” ee waqooyiga Syria.

“Ciidamada Mareykanka ma taageeri doonaan, kamana qeyb-qaadan doonaan howl-galka, sidaas darteedna, maadaama ciidamada Mareykanka ka adkaadeen Daacish, masii joogi doonaan halkaas,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Aqalka Cad kadib wada-hadal taleefon oo dhex-maray Trump iyo Erdogan.

Aqalka Cad waxa uu sheegay in Turkiga ay “mas’uul ka noqon doonaan dhammaan dagaal-yahannada Daacish ee aagaas lagu qabtay labadii sano ee tagtay.”

Erdogan ayaa sheegay inuu dowladaha Yurub kala shaqeyn doonin wixii laga yeeli lahaa maxaabiista Daacish ee gobolka ku sugan.

“Waxaa jira maxaabiis ka yimid dalalka France, Germany iyo dalal kale. Waxay leeyihiin shaqo kuma lihin, balse annaga mas’uul kama noqon karno, waa inay ka shaqeeyaan arrintaas,” ayuu yiri Erdogan.

Turkiga ayaa maleeshiyada Kurdish-ka Syria ee YPG u arka koox argagixiso ah oo xiriir la leh kooxda PKK ee ka dagaalanta Turkiga.