Baadhista Trump oo Marxalad Cusub Gashay

Xubnaha Dimuquraadiyiinta Mareykanka ee Aqalka Hoose ayaa bilaabaya waji cusub oo ay gashay baarista ku aaddan dambiyo ay doonayaan in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay ku soo gole-joojiyaan todobaadka soo socda.

Waxaana baadhitsan ay ku bilaabaneysaa marag furro si shaac ah oo furan looga dhageysanayo saraakiil horey uga tirsanaa maamulka Trump.