Cabsi laga qabo inuu Ayax ku faafo dalal ku yaal Bariga Afrika’

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in Ayaxa ku habsaday deegaano badan oo ka tirsan dalka Itoobiya uu si ku baahi karo dalal deriska waa haddii la xakameyn waayo.

Dowladda Itoobiya ayaa ku baaqday in si deg deg wax looga qabto Ayaxa saameynta ku reebay ilaa 9 gobol oo ka tirsan dalkaas, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Haddii la xakameyn waayo Ayaxa waxaa uu kusii faafi karaa deegaanada sida gobolka waqooy bari ee Kenya, qeybo kamid ah Eritrea, iyo koonfurta Suudaan, sida ay sheegtay ha’yadda FAO.

Ayaxa ayaa sidoo kale ku reebay dhuldaaqsimeedka gobolka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Gobolka Amxaarada, wuxuu Ayaxa baabi’iyay beero ku yaal halkaas.

Dadaallada lagu xakameynayo Ayaxa ayaanan weli si rasmi ah uga dhaqan gelin dhulka uu saameeyay.

“Waxaan dooneynaa in aan si deg deg ah agab ugu daabulno deegaannada , taas oo kamid ah tallaabooyinka lagu xakameynayo Ayaxa” ayay tiri Faadumo Seyd oo ah wakiilka laanta Qaramada Midoobey u qaabisan cuntada ee FAO ee dalkaas.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, dowladda Itoobiya waxay diyaarado buufinayay Ayaxa u dirtay deegaanada qaar.

Ha’yadda FAO waxay sheegtay in Ayaxa uu maalinkiiba uu baabi’in karo 1.8 Malyan oo dalag ah isla markaasna uu ku faafi karo dhul gaarayo 350 Kiiloomitar oo isku wareeg ah.

Ayaxan ayaa waxaa la rumeysan yahay inuu kasoo duulo dhinaca dalka Yemen saddex bilood ka hor.

Exit mobile version