Dibadbaxayaal xiray waddooyiinka caasimada Ciraaq ee Baqdaad

Dibadbaxayaal ayaa waxay xireen wadooyiinka waawayn ee caasimadda Ciraaq ee Baqdaad, xilli ay sii xoogeysanayaan dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda dalkaasi.

Dibadbxayaaha ayaa la arkayay iyaga oo gawaarida dhiganaya isgosyada ugu muhimsan caasimadda.

Booliiska ayaa sheeda kore ka eegayay dibadbaxayaasha waddooyiinka xiraya.

Tan iyo 1 bishii October,tobonnaan kun oo qof ayaa dhigayay dibadbax ay dowladda uga soo horjeedaan.

Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya in shaqooyiin la abuuro,in la soo afjaro musuqmaasuqa iyo wanaajinta adeegyada dowladda.

In ka badan 250 qof ayaa ku dhimatay isku dhacyadii dhexmaray booliiska iyo dibabxayasha.

Magaalada Baqdaad,dibadbaxayaasha ayaa iska dhaga tiray bandowgii la soo rogay dabayaaqadii bishii October.

Toddobaadkii aanu soo dhaafnay ,madaxwaynaha Ciraaq Barham Saleh ayaa sheegay in Caadil Cabdul Mahdi uu iscasilayo haddii ay xisbiyada siyaasadda ku heshiiyaan ciddii badali lahayd.

Dibadbaxyo xiraya wadooyiinka

Maxaa ka dhacay Baqdaad?

Maanta oo Axad ah, dibadbaxayasha ayaa xiray waddooyiinka hal-bowlaha u ah caasimadda Baqdaad.

Ardayda ayaa dibadbaxyo ku dhigayay iskuuladooda halka xafiisyada dowladda albaabada la isugu dhuftay.

“Waxaan go’aansanay inaan xirno waddooyiinka taasi oo ah farriin aan u direyno dowladda taasi oo ah in aan sii wadeyno dibadbaxyada ilaa dadka musuqmaasuqa sameynaya iyo tuugada ay xilka baneeyaan ,” waxaa sidaasi wakaalada wararka ee AFP u sheegay Tahseen Nasser, oo 25 jir ah.