Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Halkee ayuu Marayaa Dhismaha iyo Maalgeshiga Shirkadda Daqiiqda ee Boodhari Mills? – Waraysi

Hargeisa(GNN):-Maareeyaha Guud ee Wershadda Wax-soo-saarka Daqiiqda iyo Calafka Xoolaha ee Boodhari Mills, Cabdiraxmaan Sheekh Axmed, ayaa faahfaahin ka bixiyey halka uu marayo maalgeshiga iyo Dhismaha Wershaddan oo nooceedu ku cusub yahay Somaliland, taas oo laga hirgeliyey deegaanka Abaarso ee Duleedka Galbeed ee magaalada Hargeysa.

Boodhari Mills oo ah Shirkad saamiley ah oo ay maal-gasheen muwaadiniin u dhashay Somaliland oo ku kala dhaqan daafaha dunida, ayaa dhawaan heshiis la gashay qaar ka mid ah beeralayda Somaliland oo ay ku caawiyeen qalabka wax-soo-saarka dalagga iyo siidhka Qamadiga, kuwaas oo dabooli doona baahida wax-soo-saar ee Wershadda.

Haddaba, waxa aanu Muuqaalka Hoose idiinku soo gudbinaynaa Waraysi dhinacyo kala duwan oo telefishanka HCTV la yeeshay Maareeyaha Boodhari Mills Cabdiraxmaan Sheekh Axmed.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Waraysigan.

 

%d bloggers like this: