Siyaasiyiin ka tirsan xisbiga haya talada dalka Itoobiya ee EPRDF ayaa waxay ansixiyeen hinddisaha in la sameeyo xisbi cusub oo bahwadaag ah, qorshahaas oo uu taageeray ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Abiy waxaa uu sheegay in xisbiga cusub uu wax ka qaban doono kala qeybsanaanta ka dhex taagan qowmiyadaha qaar si looga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka shacabka.
Waxaa sidoo kale looga golleeyahay in xisbiga cusub lagu baddalo isbaheysigii 30-kii sanno lasoo dhaafay dalka ka jiray ee ku saleysnaa nidaamka qomwiyadaha.
Balse xisbiga xoreynta Tigreega ee TPLF oo in badan soo hogaaminayay dowladda ka hor Abiy Axmed ayaa diiday inay ku biiraan isbaheysiga cusub iyagoo ka cabsi qabo in saameyntooda siyaasadeed uu hoos u dhac ku yimaado.
Qoraal uu Twitter-ka soo geliyay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayuu ku sheegay in tallaabo horumar ah la qaaday taas oo horseedi doonto in laga dhabeeyo qorsheyaasha horumarka.