Iska-Rogeyaal dhagxaan ah oo lagu jaray waddooyinka gala xarunta xisbiga Waddani

Magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland waxaa maanta ka dhacay dibadbaxyo ay wadaan tageerayaasha xisbiga mucaaradka ee Waddani kaddib markii hogaamiyha xisbigaas, Cabdiraxmaan Cirro uu ugu baaqay taageerayaashiisa inay isu soo bax ka dhigaan xaruntooda.

Waxaana ciidammo badan la geeyay waddooyinka galo xafiiska xisbiga mucaaradka, dhagaxaan ayaa sidoo kale lagu jaray halkaas.

Waxaa tallaabooyinkan looga golleeyahay in mucaaradka laga hor istaago inay isu baxyo ku qabsadaan halkaas.

Cabdiraxmaan Cirro wuxuu ku tilmaamay tallabadaas ‘ mid sharci darro ah’ isla markaasna si nabadgelyo ay farrintooda u gudbiyeen taageerayaashooda.

Laamaha ammaanka ee Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay afhayeenka xisbiga Waddani, Barkhad Jaamac iyo xoghayaha xisbiga, Khadar Xusseen Cabdi.

Halkan ka daawo sida ay xaaladda tahay, weriyaha BBC, Sadiiq Maxamed Burmad ayaa ku sugan Hargeysa

Social embed from facebook