Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeeyay saldhigyada maleeshiyaadka ka tirsan dhaqdhaqaaqa jihaad doonka ee Falastiin kaddib markii ururka ay gantaallo kasoo rideen dhinaca Qaza kuwaas oo ku dhacay Israa’iil xilli dhawaan la gaaray heshiis xabad joojin ah.
Warbaahinta Falastiin waxay ku warrantay in diyaaradaha dagaalka ay duqeeyeen saldhigyada dhaqdhaqaaqa jihaad doonka ee Falastin subaxnimadii hore ee saaka, waxaana ku dhaawacmay 2 qof.
Waxay arrintani ka dambeysay kaddib markii ururka PIJ ay shan madaafiic ku tuureen Israa’iil.
Dagaal u dhexeeyay Israa’iil iyo maleeshiyaadka PIJ kaddib markii la dilay hogaamiyihii ururkaas.
In ka badan 400 oo madaafic ah ayay dagaalamayaasha dhaqdhaqaaqa jihaad doonka ee Falastiin (PIJ) ku tuureen Israa’iil, sida uu sheegay militariga Israa’iil.
Israa’iil waxay duqeysay Qaza gaar ahaan goobo ay ku sheegtay inay yihiin saldhigyada ururka PIJ.















