Laamaha Amniga Poland Oo Fashiliyey Weerar Lagu Gumaadi Rabay Muslimiin

Laamaha Amniga Poland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen laba xubnood oo ka tirsan kooxaha xagjirka kuwaasi oo qorsheynayay weeraro Bambaano oo ka dhan ah Muslimiinta.

Wasiirka arimaha gudaha ayaa u xaqiijiyay wakaalada wararka ee AFP in ay ku xireen labada la tuhme magaalada Szczecin, Stanislaw Zaryn, oo dhanka koonfur galbeed kaga beegan caasimada Warsow.

Xagjiriintan ka tirsan xisbiyada midigta ayaa guriga laga soo qabtay waxaa laga helay Kiimikada loo adeegsado Qaraxyada.

War saxaafadeedkan ayaa dhanka kale lagu sheegay in la ogaaday qorshahan lagu gumaadi rabay dadka Muslimiinta kadib digniin ka soo baxday laanta sirdoonka Poland.