Meherado ku Gubtay Suuqa Idaacada Ee Magaalada Hargeysa.

Hargeisa(GNN):-Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa Abaaro 2:00 Habeenimo ee xalay ka hawlgalay Dab weyn oo Qabsaday 18 Meheradood oo ku yaalla Suuqa Idaacada ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Meherado u dhaw Garoonka Kubadda Cagta ee Xawaadle.

Dabka oo ahaa Dab baaxadiisu weyntahay ayaa waxaa Ciidanka Dab-demisku Dabkaa ka xakameeyeen 11 Meheradood, halka 8 Meheradood oo ka mida Dabku gaadhay ciidankuna ka hawlgalay sidii dabkaas looga joojin lahaa.

Dabkan ayaan sababin khasaare Nafeed iyo dhaawac toona, hasayeeshee waxaa jiray khasaare Hantiyeed oo soo gaadhay Qaar ka mida Meherada Dabku qabsaday.

Ciidamada Booliska iyo Maamulka Degmada ayaa hawlgalkaa dhankooda kala qayb qaatay Ciidanka Dab-demiska.

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network