Qaramada Midoobay Oo Ka Digtay Dib U Dhac Ku Yimaada Doorashada Soomaaliya

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo hortagay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu ka warbixiyay xaaladda Soomaaliya iyo doorashooyinka la filayo in sanad kadib ay dalka ka dhacaan.

Swan ayaa sheegay in indhaha lagu wada hayo doorashada 2020-ka, waxaana uu hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in barlamaanka uu meel mariyo nooca doorasho ee ay Soomaaliya yeelaneyso iyo in al dhaqangeliyo wax ka badelkii lagu sameeyay xeerka axsaabta siyaasadda kahor dabayaaqada Disembar.

“Dib u dhac ku yimaada hannaanka doorashada ee Soomaaliya waxay khatar gelineysaa geedi-socodka doorashada 2020”, ayuu yiri Swan.

Hasayeeshee waxaa uu Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku bogaadiyay dhaqaalaha ay u qoondeesay diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

“Inkastoo horumarka farsamo ee la sameeyay uu yahay mid ifafaalo wanaagsan muujinaya hadana waxaan hoosta ka xariiqayaa baahida loo qabo in la sameeyo iskaashi siyaasadeed oo ku aadan hannaanka doorashada sanadka 2020-ka; iyadoo taas ay jirto waxaan aad u bogaadinaya kulankii ay maalma kahor ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iy madaxdii isaga ka horeesay”,ayuu raaciyay hadalkiisa.

Swan ayaa waxaa kale oo uu soo hadal qaaday qaabka loo wajahayo doorashada, isagoona carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in dadweynaha ay aragtidooda dhiibtaan, shirar ay qabsan karaan, fursadna ay ka heli karaan warbaahinta.