Rag U Xidhnaa Dilkii Almis Lana Saarnaa Gaadhiga Oo La Sii Daayey

Taliska Booliska Somaliya ayaa waxaa uu xabsiga ka sii daayay Wariye Saciid Fadhaaye iyo nin kale, oo ay u soo xireen dilkii Almaas Elman ee gelinkii dambe ee Arbacadii loogu gaystay Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Wariyaha iyo ninka kale oo ah darawalkii waday gaarigii ay saarneyd Almaas Elman, xilligii la tooganaayay ayaa waxaa lagu xiray Saldhiga Booliska ee Garoonka Aadan Cadde, halkaasoo saacado ka dib laga sii daayay.

Wariyaha iyo darawalka ayaa gaariga la saarnaa Almaas Elman, markii ay ku dhaceysay xabad aan garanayn meesha laga soo tuuray.

Wariyaha ayaa ah sawir-qaade la shaqeeya warbaahinta caalamka, waxaana uu ka soo laabtay Magaalada London oo uu wax ku soo bartay.

Dilkan ayaa shaki badan abuuray, iyadoo xabadda ku dhacday gabadhaasi laga soo riday qoriga diiradda leh ee meelaha fog fog wax ka dila. Sida ku cad xabadaasi oo gabadha laga soo saaray ayaa lagu faafiyay barraha bulshada.

Ka hor inta aan la dilin ayaa waxay ka soo baxday shir uu Midowga Yurub ku yeeshay Xerada Xalane, waxayna ku sii jeeday Garoonka Aadan Cadde, iyadoo qorsheynaysay inay dib ugu laabato Magaalada Nairobi, oo ay maalmo ka hor ka timid.

Gabadhan oo u dhaqdhaqaaqi jirtay arrimaha dumarka ayaa waxay hadda ahayd shaqaale ka tirsan Xafiiska Xiriirka iyo Isgaarsiinta ee Midowga Yurub.

Sidoo kale waxay horey u soo noqotay Xoghayaha Safaaradda Somaliya ee dalka Kenya, sidoo kalena waxay ahayd diblomaasi Soomaaliyeed oo dalkaasi Kenya ka hawlgeli jirtay.

Allaha u naxariistee Almaas ayaa waxaa dhalay Elman Cali Axmed oo ka shaqayn jiray nabadda iyo arrimaha xuquuqda aadanaha, kaasoo sanadkii 1996-kii lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Almaas ayaa waxay wada dhasheen Ilwaad Elman oo u sharaxan abaalmarinta caalamiga ah ee Nobel Peace Prize iyo Imaan Elman oo ah Korneyl ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.