Safar La Filayo In Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu Ku Tago Dalka Kenya, iyo Ujeedada Safarkaasi.

Hargeisa(GNN):-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu socdaal ku tago magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Madaxweyne Biixi ayaa la sheegaya in uu dhamaadka bishan uu socdaal shaqo ku tagi doono dalka Kenya, inkasta oo xogta safarkaasi si rasmiya loo ogeyn, haddana ma cad in uu marti qaad uu ka helay Madaxweynaha Kenya uu ku tagayo.

Wararka laga helayo safarka Biixi ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in safarkiisa uu Kenya ku tagayo dhamaadka bishan ay ka soo shaqeeyen siyaasiyiin miisaan culus ku leh dalka Kenya.

Madaxweyne Biixi ayaa la filayaa in uu Nairobi kulan kula yeesho Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, taasi oo ka dhigaysa Madaxweyne  Biixi madaxweynihii saddexaad ee Somaliland, ee ay qaabilan madaxweynayaasha Kenya.

iyadoo hore sidan oo kale ay Madaxweyneyaashii ka horeeyey Madaxweyne Biixi martiqaadyo rasmiya ka heleen madaxdii ka horeysay Madaxweyne uhuru kenyata.

Safarkan la filayo in uu Madaxweyne Biixi ku tago dalka Kenya ayaa waxa uu ku soo aadaya xili ay hore u sheegeen siyaasiyiin Kenyan ah in Biixi uu socdaal ku iman doono Nairobi inta uusan dhamaan sanadkan.

Dowladda Kenya ayaa qaar kamida Siyaasiyiinta ugu waaweyn dalkaasi iyo xubno wasiiro ah ayaa ka shaqeynaya sidii loosii xoojin lahaa Xidhiidhka u dhexeeya Labada dawladood ee somaliland iyo Kenya, taas oo marar hore ay sheegeen in si toosa ay ula shaqeyndoonaan somaliland arrimaha dhinaca diblamaasiyadeed iyo horumarinta geeska africa.

Safarkan Madaxweyne Biixi Ku Tagayo dalka kenya ayaa wakhti xaadirkan isna waxaa ku sugan Madaxweynaha dalka somalia iyadoo muran xoogan oo sababay inuu xumaado cilaaqaadka labada dal ugu dhexeeyo muranka badda.

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network

Exit mobile version