“Xukuumaddu Waa Inay Dhegaysato Dadka Caddaalad Darrada Tirsanaya.”.Gudoomiye C.qaadir Jirde.

London(GNN):-Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Mucaaridka ah ee waddani, ahna mudane ka tirsan aqalka golaha wakiilada somaliland Eng C.qaadir Jirde oo habeenkii xalay ahaa ka qayb galay xaflad lagu qabtay gudaha dalka ingiriiska, oo ay isugu yimaadeen siyaasiyiin kala duwan oo safaro kala duwan ku jooga dalkaasi, ayaa waxaa kamid ahaa masuuliyiinta madashan khudbaha ka jeedisay Gudoomiye c,qaadir Jire oo ku dheeraaday arrimaha ka taagan dalka gudihiisa, cabashada qaybo kamid ah bulshada oo soo jeediyey in xukuumada somaliland dhegaysato oo ciddii cadaalad darro tirsanaysa la dhegaysto qofkii khaldan ee qaranimada ka hor imanaya meel looga soo wada jeesto.

Dhinaca Kale gudoomiye ku xigeenka xisbiga waddani waxaa uu ka hadalay muranka u dhexeeya iyaga oo xisbiga waddani ah iyo xukuumada ee arrimaha doorashooyinka waxaanu tilmaamay in haddii laga heshiin waayo lagu kala bixi doono sharciga dalka u yaalaa sida uu jidaynayo, ka xisbi ahaana ay diyaar u yihiin in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka.

 

 

 

Gabiley News Network

Contactgabileynews@gmail.com