Bisad baraha bulshada ku lahayd malaayiin taageero ah oo geeriyootay

Mulkiilaha bisadan oo lagu magacaabo Mike Bridavsky, ayaa Isniintii shaaciyey geerida ku timid Lil Bub oo baraha bulshada ku lahayd malaayiin taageero ah.

Mr Bridavsky ayaa sheegay inay bisaddan ka caawisay inuu xarumaha xoolaha lagu xanaaneeyo uu ku deeqo lacag gaaraysa $700,000 oo doollar.

.

Taageerayaasha Bisadan ee baraha bulshada waxa soo jiitay qaabka ay u ekayd oo ah mid ka duwan bisadaha kuwa kale.

Lil Bub ayaa baraha bulshada ku soo biirtay 2011-kii kaddib markii sawiraheeda ay qabsadeen website-yada caalamka.