Caroline Flack: Haweeney garaacday seygeeda oo la xiray

Caroline Flack oo soo jeedisa barnamijka lagu magacaabo Jasiiradda Jaceylka, ayaa lagu oogay dacwad ah xadgudub ah in ay qof garaacday ku dhex garaacid gurigeeda London ku yaalla.

Booliska ayaa laga soo wacay guriga haweeneyda 40 sano jirta ah, halkaas oo ay ku wada noolayeen seygeeda oo ah nin ciyaara Teenis-ka oo lagu magacaabo Lewis Burton.

Askarta booliska ah ayaa guriga tagay ka dib markii lagu wargeliyay in nin lagu xadgudbay. Ninkas dhaawac culus ma uusan garin, sida booliska ay sheegayaan.

Ms Flack ayaa hortagi doonto maxkamad ku taalla London, 23-ka bishan December.

xilligaas inta lag gaarayana waxay magaalada ku joogtaa damaanad lacag ah.

Haweeney u hadashay adeegga gurmadka caafimaad ee degdegga ah waxay tiri: “Waxaa 12-kii bishan nalaga soo wacay guri ku yaalla Islington”, oo ah xaafad ka tirsan London.

“Waxaan isla goobta ku daweynay laba qof, mid ka mid ahna waxaan u qaadnay Cisbitaalka.”

Afhayeen u hadlay Caroline Flack wuxuu sheegay: “Waxaan xaqiijineynaa in booliska ay yimadeen guriga Caroline, ka dib dhacdo gaar ah oo guriga quseysa.

“Waxay la shaqeyneysaa dadka ay quseyso si arrinta loo xalliyo. Wax dambe ma ka dhihi doonno arrintan sababo la xiriira sharciga aawadood”.