Dad Ugaarsi Ba’an ku Hayay Deeganada Puntland Oo la Qab-qabtay.

Ciidamada bilayska Puntland ee gobolka Nugaal, ayaa qabtay labo nin oo la sheegay inay ugaarsi ba’an ku hayeen xayawaanka duurjoogta ah ee Sagaarada.

Ciiddamadu waxay sheegeen labadaan nin iyo kuwo kale lagu raad joogo in ay dileen tiro badan oo Sagaaro ah, iyagoo ku siday Jawaan.

Arrintaan ayaa ka dhacday miyiga degmada Burtinle, halkaas oo ay marar badan ka dhaceen ugaarsi sharci darro ah oo loo geystay nuucyo badan oo katirsan xawayaanka duurjoogta ah.

Dad badan ayaa falalkaan awgeed loo xiray, kadib markii ay soo baxeen warar ku saabsan in shirkado iibsanayaan duurjoogta.

Puntland ayaa horey u mamnuucday ugaarsiga duurjoogta, waxaana jirta wasaarad ka shaqeysa ilaalinta duurjoogta.