Gabadh badbaadinaysay nin oo iyadii ay bi’yo qaadeen

Maydka gabadh da’yar ah oo u dhalatay Kenya ayaa laga helay webi kaddib markii ay ku dhimatay bi’yaha iyada oo isku deyeysay in ay badbaadiso nin ay bi’yaha fatahaada qaadayeen.

Gabadhan oo 19 sano jir ah, laguna magacaabo Ann Nduku, ayaa ku dhacday webi ku yaala Kandisi, Ongata Rongai, Talaadadii.

Ms Nduku ayaa xilligaas badbaadinaysay nin ka sii dhacayay buundo uu dhismo ka socday.

Ninkii wuu badbaay balse gabadhan ayaa isla markiiba waxa ay ku dhacday webiga.

“Waxaan isku dayay inaan badbaadiyo, waxaan isku dayay inaan ul u tuuro oo aan ku soo jiido balse webiga wuu buuxay, kaddib bi’yo xoogan ayaa qaaday,” Ayey tiri hooyadeed oo lagu magacaabo Elizabeth Mutuku.