Inaalilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajacuun
Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Wajaale Ee Gobolka Gabiley Mudane Mursal Nuux Cismaan. isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Maamulka Wajaale, waxa uu tacsi Tiiraanyoleh u dirayaa qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Reer Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Indho-deeq Jaamac Cumar oo xalay Oo taariikhdu ahayd 22/12/2019 Ku Geeriyootay Magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Magaalada Burco.
Gudoomiye Ku Xigeenka Mursal Nuux Cismaan waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ahna gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbi xaakimka Talada Dalka Haya Ee Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ay hooyadii ahayd marxuumaddu.
Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Wajaale Mursal Nuux Cismaan Ayaa marxuumada Illaahay Uga baryayay inuu naxariistii janno ka waraabiyo Jano Fardawsana Ku Casuumo Kitaabkeedana Midigta Uga Dhiibo Kana Yeelo Illaahay Marti la Jecel Yahay Xabaashana U Waasiciyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Reer Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa Illaahay ka siiyo Aamiin Aamiin Aamiin.
Alle Mahadleh
Gudoomiye Ku Xigeenka Wajaale
Mursal Nuux Cismaan