Xaaska madaxweyne ku xigeenka dalka Zimbabwe ayaa lagu eedeeyey isku day ay ku dilayso seygeeda.
Marry Mubaiwa, ayaa horay loogu eedeeyey arrimo la xirriira musuqmaasuq, waxay maalintii Isniinta ahayd hor timid maxkamadda.
Balse waa ay beenisay eedeymaha loo soo jeediyey.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ay haweenaydan isku dayday inay disho Constantino Chiwenga xilli uu caafimaad u joogay Koonfur Afrika.
Chiwenga ayaa kaddib shiinaha muddo afar bilood ah caafimad ugu maqnaa.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa bishi la soo dhaafay dib ugu soo noqday dalka.















