Aqoonyahannada, dadka u dooda arrimaha bini’aadanimada, siyaasiyiin iyo hoggaamiyaasha qaybaha kala duwan ee bulshada dalka Suudaan ayaa farriin codsi ah u diray Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, iyagoo ka codsaday inuu waddankooda ka saaro liiska dalalka maalgeliyo argagixisada.
Sudan ayaa liiska lagu daray sanadkii 1993-kii kaddib markii madaxweynihii hore ee dalkaas Cumar Al Bashiir dowladiisa lagu eedeeyey inay taageero u muujiyeen kooxaha argagixisada.
Maamulka Suudaan waxaa hadda haya dowlad ku meel gaar ah oo ka kooban wakiillo ka kala socda shacabka iyo milatariga, taasoo la yagleelay markii bishii April xilka laga tuuray Al-Bashiir oo waddankaas xukumayay ku dhawaad 30 sano.