“Waxay hortayda ku dileen seygayga”

Hasina Begun, ayaa sheegtay in horteeda lagu dilay 10 qof oo uu seygeeda ka mid yahay mar uu milateriga Myanmar dab qabadsiiyey tuulada ay ku noolayd.

Waxa ay ka soo safartay xerada qaxootiga ee Bangladesh, halkaas oo ay dad ka badan 700,000 oo u dhashay qowmiyadda Rohingya ay ku noolyihiin.

Haweeneyda hoggaamisa waddanka Myanmar, oo horayna ugu guuleysatay abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda ee Nobel-ka, Aung San Suu Kyi, ayaa si adag u dafirtay eedeymo loo jeediyay dalkeeda oo ku saabsan inuu sameeyay xasuuq ka dhan ah qowmiyadda muslimiinta Rohingya, ee looga tirada badan yahay waddankaas.

Hasina ayaa sheegtay inay rajaynayso in dadka qaxootiga ay helaan cadaalad.

“Waxaan u malaynaayay inaan noolaan doonin, waxay hortayda ku dileen seygayga iyo qaar kale oo ka mid ah qoyskayga, waxay ahayd arrin aad iiga nixisay, waxayna saamaysay noloshayda.” Ayey tiri Hasina.

Exit mobile version