Alle Haw Naxariistee Daauud Cali Masxaf Oo Ku Geeriyooday Dalka Ethiopia.

Illaahay naxariistii jano ha ka waraabiyaa waxa maanta oo jimce ah ku geeriyooday magaalada jigjiga Musician kii waynaa Laxamaystii Caanka ahaa ee Daa’uud Cali masxaf, Oo ka mid ahaa mucjisooyinkii faneed ee soomaalida Soo maray
Daa’uud Cali Masxaf waxa tijaabadii faneed ee dhanka muusiga laga qaaday 1982 magaalada muqdisho
Si loogu qaato kooxdii fannaaniintii Waabari sida uu sheegay fannaanka Maxamed Maxamuud cige Busi oo maalintaa goobjoog ahaa
Balse wuxuu kooxdii Waabari si toosa ugu biiray 1983 ka dib waxa loo Soo wareejiyey Waabari hargaysa sanadkii 1984
Daa’uud Cali Masxaf waxa uu ka mid ahaa raga soomaalida ugu Laxanka fiican uguna laxanada badan
Inkasta oo uu tumi jiray dhawr aaladood oo muusiga ah hadana waxa uu caan ku ahaa tumista Cuudka oo uu ka mid ahaa afarta qof ee soomaalida ugu gacanta macaan
Daa’uud Cali Masxaf illaahay naxariistii jano ha ugu deeqo
Ubadkii ehelkii asxaabtii iyo guud ahaan umada uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ha ka siiyo