Axmed Madoobe Oo Eedeyn Culus U Jeediyey Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo weli ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka isaga kala dhexeeyey madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyey dowladda dhexe inay iska diiday inay wadahadal la gasho maamulkiis, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay dadaal badan ku bixiyeen in la soo afjaro khilaafka muddada dheer u dhexeeya labada dhinac.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale tilmaamay inuu isagu ka dalbaday guddoomiyaha Aqalka Sare inuu la hadalsiiyo Madaxweynaha, balse arrintaasi aysan dhicin.

Valueimpression Placeholder

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka aysan lugaha u aheyn arrimo Qabiil, kuwa shaqsi iyo mid dowladeed, balse la isku hayo kaliya ku dhaqanka shuruucda u taalla dalka.

“Waxey dad badan aad isu weydiinayaan inaan anagu Dowladda Federalka ka soo horjeedno oo lugaha heyno, qabiil ahaan lugaha ugama heyno, shaqsi ahaan lugaha uma heyno, dowlad ahaan lugaha uma heyno, ee waxaan leenahay waxaan ku heshiinay aan ku dhaqano, waxaa noo yimid Gudoomiyaha Aqalka Sare waxaan ku yiri sharcigii waa kanaa waxaan rabaa inaa Qoorteyda qaado oo madaxweynaha lugtiisa ku xirto, wuxuu jawaab igu soo celiyay waan waayay Qoortaada meel aan ku xiro” ayuu Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmed Madoobe.

Khilaafkaan oo saameeyey xiriirka iyo wada shaqeynta labada dhinac  ayaa ka soo bilowday doorashadii dib loogu doortay Axmed Madoobe oo ay ka hortimid dowladda dhexe.