Hargeisa(GNN):-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay adeeg loo bixiyay E-shilling kaasoo sahlaya in shaqaalaha dawladdu mushaharooyinkooda ku qaataan qaab Electronic ah.
Barnaamijkan oo uu hindihiisa leeyahay Bangiga dhexe ee Somaliland, ayaa lagu sheegay inuu wax badan ka qaban karo adeegga isla xisaabtanka iyo hufnaanta, isla markaana ay fursad u tahay shaqaalaha dawladda ee jooga goboladda dalka oo hal mar ay wada gaadhi doonto mushaharkoodu.
Hirgelinta adeeggan ayaa sii kordhinaya saamaynta uu nidaamka electronic-ga ahi ku leeyahay tayada iyo wareegga Lacagta Noodhka ah ee Shilinka Somaliland oo u muuqda mid meesha ka sii baxaya, iyadoo ay sannadihii u dambeeyey hoos u sii dhacayey Qiimaha Lacagta Noodhka ah ee Shilinka, kaddib markii shirkadaha isgaadhsiinta ee bixiya adeegga lacagaha laysugu xawilo telefoonnadu oo markii hore ahayd Lacagta Dollarka oo kaliya ay sannadkii 2017-kii adeeggooda ku soo kordhiyeen in Lacagta Shilinka laysugu xawilo telefoonada Gacanta.
Si kastaba ha ahaatee, ganacsatada ku shaqaysta Isku-beddelka lacagaha iyo Aqoonyahanno Dhaqaalaha ku xeel dheer ayaa aaminsan in adeeggani xaalufinayo isla markaana god madow ku sii ridayo Tayada iyo Qiimaha Isticmaalka ee lacagta noodhka ah ee Shillinka, iyadoo Mushaharka Shaqaalaha dowladdu yahay Isha ugu muhiimsan ee Dhaq-dhaqaaqa lacagta Noodhka ee Shilinka Somaliland, in kasta oo masuuliyiinta Baanka Dhexe oo siyaasadda lacagta dalka u xilsaarani adeeggan ku tilmaamay mid fududaynaya inay shaqaalaha dowladdu si fudud u helaan mushaharkooda.
Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network