Dalbashada Baasaboorka Somaliga Oo Hakad la Galiyay.

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in mudo isbuuc ah hakad la galiyay dalbashada iyo qaadasahada baasaboorka Soomaaliya .

War kooban oo kasoo baxay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha ayaa lagu sheegay in howlo farsamo iyo hormarin uu ku socdo habka bixinta baasaboorka , waxa ayna taasi keentay in mudo isbuuc ah hakad la galiyo dalbashada iyo qaadashada baasaboorka

”Howlo farsamo iyo hormarin ah oo ka socda habka bixinta baasaboorka awgood, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan lagu wargelinayaa in laga bilaabo Jannaayo 27, 2020 (Maalinta Isniinta) ilaa Febaraayo 2, 2020 (Maalinta Axadda ah) la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka”ayaa lagu yiri qoraalka Hay’ada Socdaalka.

Sanadkii hore ayey aheyd markii sidan oo kale mudo kooban Hay’ada socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya u hakisay dalbashada baasaboorka kadib markii heshiiskii uu ka dhacay shirkadii daabici jirtay baasaboorka mid bedeshana la waayay xiligaasi.